Budhcad Badeedii Somaliya Oo Soo Labo Kacleeysay Oo Weerar Ku Qaaday Doon Laga Leeyahay Dalka Taiwan
November 8, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Doon nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay Taiwan ayaa sheegtay in ilaaladeeda ay toogteen Koox burcad-badeed ah meel ku dhow biyaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya Subaxdii Arbacadii.
Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Kalluumeysiga ee Taiwan Lin Qo-ping ayaa xaqiijiyay in Kooxdaasi la dilay ka dib markii ay doonta Weerar kusoo qaadeen xilli ay mareysay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.
Doonta waxaa u suurta gashay in ay ka cararto goobta, iyada oo dhammaan shaqaalahihii Saarnaa ay Ammaan qabaan.