Tirada Dadka Ku Dhintey Dagaalka Mareykanku Uu Argagixisada Kula Jiro Oo La Shaaciyay
November 9, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Daraasad la baahiyey Khamiistii ayaa sheegtay in dagaalka Mareykanka uu hoggaaminayo ee ka dhanka ah argagixisada uu dad dhan nus milyan qof ku dilay dalalka Afghanistan, Iraq iyo Pakistan, 17-kii sano ee tegay.
Darasadda ayaa sidoo kale sheegtay in labadii sano ee tagay ay dhimashada korortay 22 boqolkiiba.
Dhimashada ayaa waxaa qeyb ka ah ciidamada Mareykanka iyo xulufadiisa, dad shacab ah, ciidamada milatariga iyo booliska saddex dal, iyo mintidiinta, sida ay sheegtay daraasadda oo ay sameysay jaamacadda Brown, mashruuceeda qiimaha dagaalka.