hadaba iyadoo sidaasi jirto waxa dalka kadhacey laba doorasho oo si adag loo loolamay oo aan la aantii qabsoonteen kadib markii uu ku dhiiradey waxkhtigii doorashadii madaxtooyada ee ay kuloolamayeen madaxweyne siilanyo ,daahir rayaale iyo faysal cali waraabe sanadkii 2010kii.
Doorashadaas oo uu saxeexay sugista amniga wakhtiga ay doorashadu socoto kadibmarkii allah ha unaxariistee uu diiday janankii ciidanka policeka wakhtigaas saqadhi dubad inuu saxeexo sugista nabadgaliyada gudaha dalka .
iyadoo sidookalana janaraal nuux taani uu suurtogaliyey doorashadii ugu danbeysay ee ay kutartamayeen musharaxiinta sadexda xisbul qaran muuse biixi ,abdirahman ciro iyo faysal cali waraabe. islamarkaana uu uguntadey sugista amniga iyada oo wakhtiga doorashadaasi socotay ay dalka ayka jireen colaado udhexeeyey beelo walaala ah oo wada daga gobolada bariga.
sidookalena sareeya gaas nuux ismaaciil taani mudadii uu hogaan uhayey ciidanka qaranka dawlada somaliland wexay gaadhey xuduudeheeda ay somaliland laleedahy dalka somaliya.arintaasi oo guulweyn u aheyd qaranka somaliland.hadaba umuurahaas aan kusoo sheegnay waxa usuurtogaliyey janaraal nuux taani qodobadan uu kusifoobay.