Madaxweyne Siilanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Caaqil Cismaan Jaamac Gaas, Oo Ku Geeriyooday Magaalada Burco. I
April 21, 2016 - Written by Berbera Today
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa madax-dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka, Boqorada, ugaasyada, Cuqaasha, Salaadiinta, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil Cismaan Jaamac Gaas, oo ku geeriyooday 20/04/2016, Magaalada Burco.