Bixinta Summada Cusub Ee Gaadiidka Oo Laga Bilaabayo Gobolada Dalka
November 10, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Siyad) ayaa sheegay in todobaadka soo socda dhammaan gobolada dalka laga bilaabyo bixinta iyo qaadashada summada cusub ee gaadiidka, waxaanu ugu baaqay gaadiidlayda in ay u diyaar garoobaan qaadashadda summadaasi cusub.
Agaasimuhu waxa uu xusay in aanu jirin wax khilaafa oo soo kala dhexgaley iyaga iyo masuuliyiinta wasaaradda maaliyada, oo la xidhiidha arrinta qaadashadda summada cusub ee gaadiidka.