Akhriso”Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Eritrea Iyo Itoobiya Uga Furmay Bahr-Dar?
November 10, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-War murtiyeed si wadajir ah ay uga soo saareen kulankii magaalada Bahr Dar ay ku yeesheen madaxweyneyaasha Eritrea, Soomaaliya iyo Ra’iiusu wasaaraha Itoobiya waxaa kasoo baxay dhowr arrimood.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Eritrea ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , Asaias Afwerki iyo ra’iiusl wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed waxay ka wada hadleen isbaddalada taariikhiga ah ee dhacay oo ay kamid yihiin arrimaha nabadda iyo isdhaxgalka gobolka geeska Afrika.
Kulankii hoggaamiyeyaashan ay ku yeesheen Bahr Dar, waxay dib u eegis ku sameeyeen heshiiskii ay ku gaadheen magaalada Asmara oo ku saleysnaa iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhaxeeyo saddaxdan dal.