Madaxweynaha Puntland Cabdweli Gaas Oo Eedo Culus Ujeediyay Dowladda Muqdisho
November 11, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in dowladda dhexe ee federalka Soomaaliya ay rabto inay awoodaha, daqliga iyo dhismaha dowladnimo iyo xadhiidhka dibadda ay rabto in iyada isku koobto.
Waxaa kaloo uu sheegay in maamul goboleedyada ay masuuliyad xooggan ka saaran tahay shacabka ay matalaan.
Sidoo kale waxuu ka hadlay in xilka uu iska casiley madaxweynhii Koonfur Galbeed Shariif Xassan oo ahaa guddoomiyhii golaha iskaashiga maamul-goboleedyada.