Labada Kuuriya Oo Markii Ugu Horeysay Muddo Sannado Ah Kala Qaadaaya Ciidamada Iyo Hubka Xuduudka U Dhexeeya Yaala.
November 11, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladdaha Kuuriyadda Waqooyi iyo Kuuriyadda Koonfureed ayaa ciidamadoodii kala baxay 22 goobood oo ka mid ah xuduudka dalalkaasi u dhexeeya, kuwaas oo ay ka joogeen ciidamo aad u xoogani, waxa sidoo kale goobahaasi laga qaaday hubkii yaaley, sida ay sheegtay wasaaradda Difaaca ee Kuuriyadda Koonfureed .
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Difaaca dalka Kuuriyadda Koonfureed oo lagu baahiyey wakaaladda wararka dalkaasi ee Yonhap News Agency ayaa lagu sheegay in Kuuriyadda Koonfureed ay 11 meelood oo ay ciidamo iyo hub ka yaaley oo ah xuduudka ay la wadaagto Kuuriyadda Waqooyi ay kala baxday , halka ay sidoo kalena Kuuriyadda Waqooyi dhinaceeda kala baxday 11 meelood ciidamadii iyo hubkii ka yaaley.