Nin Darbi Jiif Ah Oo Asxaan Uu Sameeyay Darteed Lacag Faro Badan Ku Helay.
November 12, 2018 - Written by Berbera Today
Melbourne(Berberatyoday.com)-Olole dhaqaale oo nin darbi jiif ahaa lacag loogu ururinayay ayaa gaartay 100,000 oo ah doolarka dalka Australia.
Ninkaan oo ka mid ah dadka aan guryaha haysan ee gidaarada seexda ayaa joojiyay nin magaalada Melbourne mindi weerar ku gaysanayay oo waxaa uu ninka dhankiisa u riixay Trolle-ga alaabta looga qaato goobaha laga dukaameeysto.
Michael Rogers, ayaa waxaa baraha bulshada looga bixiyay “Ninka “Trolle-ga” Kadib markii maalintii jimcaha ahayd uu ka hortagay Hassan Khalif Shire Ali oo isku dayayay in uu tooriyeeyo laba sarkaal oo boolis ah.