Cidii Ka Dambaysay Isku Daygii Dil Ee Uu Ka Badbadey Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Oo La Shaaciyey
November 12, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Sejaay ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada amaanka iyo kuwa sirdoonka dalkaasi ay ku lug lahaayeen isku daygii dil ee uu ka badbadey ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abey Axmed bishii June .
Qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi oo lagu baahiyey wakaaladda wararka ee rasmiga ah ayaa lagu sheegay in sidoo kalena ay go’aansadeen in shaqada laga joojiyo si ku meel gaadh ahna loo xidho saraalkii Janaraalo ay ku jiraan oo looga shakiyey arrimo musuq maasuq.