Daawo Muuqalka”Gudoomiye Ku Xigeenkii Haaya’dda Qoxoontiga Somaliland Oo Diiday in Uu Wareejiyo Iyo Sababta
November 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhawaan ayey aheyd markii madaxweyne Muuse Biixi uu gudoomiye ku xigeenka Haaya’dda qaxoontiga iyo barakacayaasha u magacaabey Faadumo Cabdilaahi Cumar Diiriye , taas oo u u hore ugu magacownaa Khadar Sh Cabdilaahi Sh Cali Jowhar .
Masuulkan hore xilkaas uga magacownaa ayaan digreeda madaxweynaha lagu sheegin in aan xilkas laga qaadin balse masuul kale uun lagu dul magacaabey , waxaana uu sheegay gudoomiye ku xigeenki hore in aanu xilkaas baneyneen ilaa inta si sharci ah xilkaas looga qaadaayo