Somaliland: Maxkamadda Gobolka Sanaag Oo Xal Ka Gaadhay Kiis Dacwadiisu Socotay 17 Sano
November 13, 2018 - Written by Berbera Today
Sanaag(Berberatoday.com)-Maxkamadda Gobolka Sanaag ayaa xal ka gaadhay kiis dil ahaa oo muddo 17 sanno ah xal loo raadinayey.
Kiiskan xalkiisa lagu raagay, ayaa aakhirkii waxa Go’aan kama dambays ah ka soo saaray Sharmaarke Faarax Ismaaciil oo ka mid ah Garsooreyaasha Maxkamadda Gobolka Sanaag.
Garsoore Sharmaake Faarax Ismaaciil oo ka hadlayay xukunka ay ka gaadheen kiiskaasi dilka ah oo dhacay sannadkii 2001, ayaa sheegay in labada Qoys kiiskaasi dhex yaalay doraad loo kala qaaday, isla-markaana la kala guddoonsiiyay magtii marxuumka dhintay.