Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Ku Dhawaaqdey Inay Shaqaaleysiisay 954 Macalin+Sawiro
November 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hormoodka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha dawladda, ayaa kulan ballaadhan oo ay la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ay kaga dhawaaqeen shaqaalaysiinta ugu yaraan 954 (sagaal boqol iyo afar iyo konton) macallin oo muddo dheer mushahar la’aan ugu shaqaynayey umaddooda.
Macallimiinta la shaqaalaysiiyey oo ka hawlgasha 1,081-ka Dugsi ee ay dawladdu leedahay ee ku yaalla guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la hawlgeliyey kaddib Kormeer ay sameeyeen 15-kooxood oo ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, waxana ay macallimiintaasi si rasmi ah uga mid noqon doonaan shaqaalaha rasmiga ah ee qaranka, kuwaas oo heli doona mushahar joogto ah.