“Ma Maanta Ayaad Cigaalow Awooddii Qaranka Ku Soo Ururisay In Aad Isku Suldaan Tihiin”- Gudaha Ka Akhri Qaabkii Muuse Biixi Shalay Marxuum Cigaal Ugu Dhaliilayay Saami-Qeybsiga Beelaha Iyo Xulashadiisa Maanta
November 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska Foore waxa uu Akhristayaashiisa halkan ugu soo gudbinayaa Mid ka mid ah hadalladii ugu adkaa ee uu wakhti hore Muuse Biixi Cabdi ku naqdiyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (IHU) oo uu wakhtigaasi ku dhaliilsanaa sida Madaxweyne Cigaal xilalka ugu miisaamka weyn ee xukuumaddiisa ugu taxay beesha uu ka soo jeeday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Taliyihii Ciidanka Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyihii Guud ee wakhtigaasi oo uu Muuse Biixi oo Cigaal ku ahaa Mucaarad uu ku dhaliilayo.