“Bilayskeenu Wuxu Ilaa Hadda Udhaqma Qaab Ciidan Militari Ah. Bilaysku Wuxu Aaminsanyahay In Amarku Sharciga Ka Sareeyo”Yuusuf Cabdi Gaboobe
November 14, 2018 - Written by admin
Bilayskeenu wuxu ilaa hadda u dhaqma qaab ciidan militari ah. Bilaysku wuxu aaminsanyahay in amarku sharciga ka sareeyo Ma jirto sabab xeerka bilayska loogu celiyo
sa sharciga la horkeeno.
Anigu waxan ka mid ah muwaadininta sifada sharciga baal marsan bilayska loogu adeegsaday.
Aniga iyo muwaadiniinta kaleba waxaanu xaq distoori ah u leenahay in aanu helno meeshii looga ashkatoon lahaa.Xeerka cusubi wuxu jidaynayaa in xafiis cabashooyinka dadweynaha qaabilsani jiro.Maxa looga saaraya?Maxaa kale oo looga saaraya in aan rasaas loo adeegsan dad shicib ah oon hubaysnayn oo matalan si silmi ah u banaanbaxaya? Maxaa loo diidayaa in bilayskeena militarinimada laga saaro oo laga dhigo bilays rayid ah (civilian police ) sida bilaysyada caalamkoo kale?.In arintan laga hadlo danteena ayaa ku jirta.Intaynu siyaasad iyo qabyaalad ku waalanay ayeynu danaheeni kale oo dhan (tacliin,caafimaad,wada xumo etc,) seegnay.