Qorshe La Doonaayey In Lagu Khaarajiyo Dhaxal Sugaha Sucuudiga Oo La Fashiliyey
November 14, 2018 - Written by admin
Jiddah(Berberatoday.com)-Dhaxal-sugaha Sacuudiag Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in unug argagixiso oo qorsheeyey inay isaga khaarijiyaan lagu xidhay waqooyiga jasiirad u yaalka Siinaay ee dalka Masar.
Wargeyska Jerusalem Post ayaa qoray in Maxamed Bin Salmaan uu xogtan shaaca ka qaaday markii uu la kulmay koox haysata madhabta Evangelical ee Kirishtanka oo magaalada Riyadh booqday kowdii November, ayaga oo ka tegay Mareykanka.
Bin Salmaan ayaa sheegay in unugan ay ku jireen dad u dhashay Sacuudiga.