Madaxweynaha Dawlada Xamar Oo Iminka Ka Haldey Cunaqabeyntii Hubka Ee Xalay Laga Qaadey Dalka Eretria
November 15, 2018 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eritrea.
Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
“Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.