Jabuuti Oo Maxkamadda Caalamiga La Tiigsan Doonta Dowladda Eritrea Haddii Hal Arin Aan La Sameyn
November 16, 2018 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Dowladda Jabuuti ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay inay taageeraan sidii loo xalin lahaa murun xuduudeedka kala dhaxeeya dowladda Eritrea, haddii lagu guul dareystana ka taageeraan sidii maxkamada ICJ dacwad kaga furan lahaayeen.
Safiirka Jabuuti ee Qaramada Midoobay Amb Maxamed Saciid Ducaale, ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay dooneyso in xal kama dambeys ah laga gaaro murun xuduudeedka u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Jabuuti.
“Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ” sidaasi waxaa sheegay Ducaale.