Moscow(Berberatoday.com)-Ciidamada Amaanka Federalka dalka Ruushka ee loo soo gaabiyo FSB ayaa xabsiga dhigay koox looga shakiyey in ay lacago u ururinayeen ururka Daacish , kuwaas oo ku sugnaa gobolka Tomiski .
Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay ciidamadu ku daabaceen warbaahinta Ruusiyaan Today waxaanay ciidamadu warbixintoodan ku sheegeen in ay kooxdan qab qabteen kadib markii dad shacab ahi kusoo wargeliyeen , kooxdan ayaa ururinta lacagtaasi u adeegsanaayey Boga Telegaraamka oo ay ku daabaceen Kaadhadhkooda Baananka .