Madaxweyne Biixi Oo La Filaayo Inuu Maalinta Beriya Safar Ugu Bixi Doono Gobolada Bari Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
November 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in markii ugu horeysay muddo sanad ah oo uu talada dalka hayey inuu maalmaha soo socda uu safar ugu baxo gobalada bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Togdheer .
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu xadhiga ka soo jari doono mashaariic gobalkaas laga hir galiyey kaas oo uu ka mid yahay jeel Weyn ee magaalada Burco laga dhisay.