Askari Ka Mid Ahaa Ilaalada Madaxtooyada Oo Geeriyooday Iyo Taliyaha Ciidammadaasi Oo Tacsi U Diray
November 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Tacsi u diray Ciidamada Qalabka Sida iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Xidigle Cabdi Xasan Jaamac (Dhaban-leexshe) oo ka mid ahaa Ciidammada ilaalada Madaxtooyada, kaasi oo saaka ku geeriyooday Hargeysa.
Sidaana waxa lagu sheegay dhambaal Tacsi oo uu soo saaray Taliyaha Ciidammada Illaalada Madaxtooyada JSL Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud), kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud), waxa uu tacsi u dirayaa Dhammaan Saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifle ilaa dable, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xidigle Cabdi Xasan Jaamac (Dhaban-leexshe) oo ka mid ahaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL, muddo dheerna ka tirsanaa isagoo ka mid ahaa ciidankii lagu aas-aasay ilaalada madaxtooyada Somaliland.