Daawo Muuqalka”Shiinaha Oo Laga Dhisay Hudheelkii Ugu Horeeyey Ee Dhulka Hoostiisa Ku Yaala
November 17, 2018 - Written by Berbera Today
China(Berberatoday.com)-Waxa dalka Shiinaha laga hirgeliyey Fooqii ugu horeeyey ee dhulka hoostiisa ku yaala , kaas oo soo jiitay indhaha warbaahinta Caalamka.
Fooqan ayaa ka kooban 18 dabaq, kuwaas oo 16 dabaq oo kamid ahi ku yaalaan dhulka hoose, halka labada dabaq ee kalena ay ku yaalaan biyaha hoostooda .
Hudheelkan ayaa lagu magacaabaa Intercontinental Hotel , waxaana laga dhisay magaaladda Shanghai ee dalka Shiinaha, kaas oo noqday mid aad usoo jiitay indhaha caalamka, gaar ahaana dalxiiseyaasha .