Somaliland Oo Kooxda Qaramada Midoobey Ee UN Monitering Group Ku Tilmaantey “ Qawlaleysato Laaluush Qaadata ..”
November 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Somaliland ayaa waxaa ay kooxda qaramada midoobey u qaabilsan dabo galka Cuno qabateynta hubka ee saaran Somaliya iyo Eretria ku tilmaantey koox qawlaleysato ah isla markaana laaluush qaadata .
Sidaas na waxaa sheegay wasiirka gaashandhiga Somaliland Ciise Axmed Xawar oo ka jawaabaya war bixin ay dhawaan kooxdaas soo saartey oo ay ku sheegtay inay Somaliland jidh dil u geysatay maxaabiistii Puntland laga qabtey ee dagaalka Tuko-raq waxaana uu yidhi
“ Qoladan Warbixintan qortey wax macno ah noo sameyn mayso balse waxay noola muuqata qolo iska qawlaleysato ah oo meel uun wax ka xuuraansadey ama dad khaas ahi ay wax u dhiibteen “ ayuu yidhi Wasiirku