Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeer Iyo Xadhig-Ka-Jaris Ku Sameeyey Mashaariic Laga Hir Galiyey Berbera+Daawo Sawirada
November 19, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray mashaariic waa-weyn oo laga fuliyey gudaha magaalada Berbera, xadhiggana ka jaray dhismeyaal cusub oo loo bineeyey dekedda Berbera.
Madaxweynuhu isaga oo ku gudo-jira safarkiisa shaqo oo maalintii labaad galay, waxa uu kormeer indho-indhayn ah ku tagay Jaamacadda Culuumta Badda ee dekedda Berbera, Keydka Haamaha Shidaalka Berbera iyo xarunta shaybaadhka shidaalka, waxana uu halkaas kula kulmay, isla markaana warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee qaranka u qaabilsan xarumahaas, kuwaas oo madaxweynaha u sharraxay horumarka ay ku tallaabsadeen iyo caqabadaha ilaa haatan hortaagan.