Kooxaha Xuutiyiinta Oo Ku Dhawaaqay Xabad Joojin.
November 19, 2018 - Written by Berbera Today
Yemen(Berberatoday.com)-Kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay xabad joojin kadib markii ay guul darooyin kala kulmeen ciidamada dawladda iyo kuwa xulafada uu hogaamiyo Sucuudigu.
Warsaxaafadeed ay kooxdaasi soo saartay ayay ku sheegtay inay diyaar u tahay in ay dawladda la gasho xabad joojin waqti dheer ah, sidoo kalena ay wada hadal la bilaabayso dawladda.
Warsaxaafadeedkan oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters ayay Xuutiyiintu in ay sidoo kalena joojin doonaan gantaaladda ay ku ridaan wadamada ay jaarka yihiin dalka Yemen , gaar ahaana dalka Sucuudiga, iyaga oo nabadgelyo qaadanaaya.