Xukumadda Yemen Oo Ogolaatay Inay La Hadasho Maleeshiyaadka Xuutiyiinta.
November 20, 2018 - Written by Berbera Today
Yemen(Berberatoday.com)-Dawladda dalka Yemen ayaa sheegtay in ay ka qayb gelayso shir lagaga wada hadlaayo arrimaha nabadaynta dalka Yemen, kaas oo lagu dhex dhexaadinaayo dawladda Yemen iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta , shirkaas oo ka dhici doona dalka Iswiidhan toddobaadyadda soo socda .
Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhameeyo colaadda ka taagan wadanka Yemen , waxaana soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay, kaas oo la doonaayo in lagu soo afjaro colaadda mudada dheer qaadatay ee ka socota dalka Yemen .