London Oo Lagu Arkay Taallo Lagu Muunaynayo Sadaam Xuseen Iyo Ujeedka Laga Leeyahay
November 20, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Dadka degan xaafad ku taal London ayaa sheegay in ay lama filaan ku noqotay in xaafadooda laga taago qoraal xusuus ah oo lagu xusayo madaxweynihii hore ee Ciraaq, Sadaam Xuseen.
Qoraalkaas xuska ah oo ku xardhan bir naxaas ah ayaa laga taagay mid ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan ee xaafadda Winstead ee duleedka London. Waana “qoraal lagu muujinayo kalgacal loo qabo Sadaam Xuseen” kaas oo lagu muujiyey taariikhdii uu dhashay ee 1937 iyo taariikhdii la dilay ee 2006.