“Somaliland Hadii Ay Danteeda Ka Raacato Oo Xidhiidh Dhaw Iyo Iskaashi Dhaqaale La Yeelato Israel Ogow Dunida Islaamka Way Jiraan Kuwo Danahooda Ka Dhex Arkay”Cali Guray.
November 21, 2018 - Written by Berbera Today
OO MAXAA II DIIDAYA?CALI GURAY
Tani Waa Shax ninka keliya ee godkiisa degay uu ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wakhti ay Somaliland intan ka sii liidatay. Godka labaad hadii Somaliland ay xiligan degi karto waa mid la gudboon waayo waa sida keliya ee carabtu ku miyirsan karto hadii Israel ay Somaliland u soo celiso aqoonsigii ay hore 1960kii u siisay Somaliland.
Somaliland lafteedu Hadii ay danteeda ka raacato oo xidhiidh dhaw iyo iskaashi dhaqaale la yeelato Israel ogow dunida Islaamka iyo dalalka carabtaba way jiraan kuwo danahooda ka dhex arkay xidhiidhka ay la leeyihiin ama doonayaan inay la yeeshaan Israel. Xataa falastiiniyiin badan ayaa 70 sanadood ka dib dantooda u arka inay dawlad keliya wada yeeshaan iyaga iyo israaiiliyiintu in kastoo haddaba dalka Israel sharci ahaan loo aqoonsan yahay 20% ay yihiin falstiiniyiinta Israel.