Daawo Muuqalka”Agaasimihii Wasaarada Cadaalada Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Sababta Uu Isu Casilay Dhaliilo Culusna Ujeediyay Xukumadii Uu Katirsan
November 21, 2018 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Agaasimihii Wasaarada cadaalada Somaliland Xussen Maxamed Maxamuud oo maanta ku dhawaaqey in uu iska casilay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa cadeeyey sababtii ku kaliftey in uu xilkaas iska casilay
Agaasimaha ayaa sheegay in sababta ku kaliftey in uu is casilo ay tahay nidaamka dawlad nimo ee dalka maanta ka jira oo ah nidaam askari ah oo aan laheyn dhaqankii iyo hibadii dawlad nimo lagu yaqaaney , isla markaana talada dalka ay gacant aku hayaan Koox ku sheegay in ay yahiin Ciil qabayaal