Xukumada Somaliland Oo Ka Hadashay Weerarkii UU Xalay Malayshiyaad Caare Hogaamiyaa Kusoo Qaadeen Magaalada Ceel Afweyn
November 22, 2018 - Written by Berbera Today
Ceel Afweyn(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in weerarkii xalay magaalada Ceel-Afweyn ay ku soo qaadeen Jabhadda uu hoggaamiyo Kornayl Siciid Cawil Caarre, aanu sababin wax khasaare ah.
Boos Mire Maxamed, wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo Ceel-Afweyn ugu warramay Wariye Maxamuud Mas’uul ayaa sheegay in weerarkaasi socday 10 daqiiqo islamarkaana ujeedka Caarre ahaa Carqaladaynta Nabadda Beelaha halkaasi wada dega.