Indonesia”Wiil Dhalinyaro Ah Oo Haweenay Uur Laheyd Qudha Kaga Jaray Su.aal Fudud Oo Ay Weydiisay
November 24, 2018 - Written by admin
Jakarta(Berberatoday.com)-28jir u dhashay dalka Indenosia ayaa dilay haweenay 32jir ah oo uur lahayd, ka dib markii ay dhawr jeer ku cel-celisay su’aal ahayd; Goormaad guursaneysaa?.
28jirkan oo lagu magacaabo Faa’is ayaa haweenaydan uu dilay waxay ahaayeen deris, isagoo su’aashan ka cadheysan ayuu maalin danbe ugu tagay gurigeeda cunaha ayaanu xoog u qabtay ka dib way geeriyootay.