|
berberatoday.com
Fanaanad Caan Ka Aheyd Kooxda Faneeda Xidigaha Geeska Oo Fankii Gabi Ahaanba Joojisay Kana Toobad Keentay
November 24, 2018 - Written by Berbera TodayHargeysa(Berberatoday.com)-Fanaanada Caanka Ah ee Xamda Cabdi Kiinaal oo ka tirsaneyd Kooxda Xidigaha Geeska ayaa si rasmi ah u shaacisay inay ka baxday Kooxda Xidigaha Geeska oo ka dhisan magaalada Hargeysa isla markaana ay hore uga mid aheyd . Fanaanada oo fanka gashay iyada oo Da, yar ayaa heesaha ay qaadaa ay yahiin kuwo aad loo xiiso oo bulshadu ay dhegaysato. Fanaanada Xamda Queen ayaa barteeda Facebook Ku baahisay inay gabi ahaanba Ka baxday fanka iyo heesa iyada oo fariintana soo dhigtay degelkeeda Facebook” Waxa farxad ii ah inaan guud ahaan fankii iyo fagaarihii suuugaanta Somaaliyeed iyo kooxdaydii #Xidigaha_Geeskaba aan maanta oo ay bishu tahay 24-November-2018 aan iskaga baxay.. Iminka oo ay saacada #Geeska_Afrika ay tahay lixdii subaxnimo waxaan kasoo baxay salaad aan ilaahay kuweydiisano danbi dhaaf iyo inuu tubta toobada igu rido, idinkuna walaalayaal isoo duceeya inuu ilaahay ii aqbalo iina danbi dhaafo, heesahaygana fadlan hadhagaysanina, dibna Video aan arintan kaga hadlayo ayaan soo duubi doonaa.. Fadlan si dadka heesahayga dhagaysta ay u gaadho si ay iskaga dhaafaan dhagaysigooda #Sharegareeya walaal ilaahay khayr haydin siiyee…
Berberatoday.com COMMENTS
|
||||
|
|
|||||