Wakiilkii Itoobiya U Joogay Hargeysa Oo Farriin Ka Soo Diray Addis Ababa
November 24, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Brig Gen Berhe Tesfay ayaa shaaca ka qaaday inay yihiin cadow kuwa doonaya inay xumaan kala dhexdhigaan xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, isla markaana caddeeyey inaanu jirin wax isbedel ah oo ku yimi. Wuxuu sidan u sheegay weriye Maxamuud Walaaleeye oo uu khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay.
Mr. Tesfay, Qunsulkii hore ee dalka Itoobiya oo xilligan ku sugan caasimada Addis Ababa, ayaa sheegay inuu marwalba sii xoojin doono xidhiidhka labada wadan, waxaanu yidhi, “Xoojinta xidhiidhka labada wadan marwalba xooga ayaan saari doonaa, runtii dad cadow ah ayaa doonaya inay xumaan kala dhexdhigaan Itoobiya iyo Somaliland, xilligana xafiiskii Itoobiya ee Hargeysa waa sidii hore ayuu u shaqeeyaa” Ayuu yidhi, Mr Tesfay, isagoo raaciyey,