Waftigii Madaxweyne Muuse Biixi Oo Saaka Hiirtii Ka Soo Jarmaadey Laascanood Iyo Halka Uu Ku Sii Jeedo
November 25, 2018 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Waftigii uu hogaaminaayey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo xalay u hoyday magaalada Laascaanood ayaa saaka Hiirtii waabari ka soo baxay magaaladaasi
Waftiga oo dib u soo raacay wadada ka soo baxda Laascaanood ee soo aada dhinaca magaalada Caynaba ayaa la sheegay in uu ku sii jeedo Gobalka Sanaag .
Qaban qaabo xoogan ayaa la sheegayaa in ay ka jirto degmaayinka hoos yimaada Gobalka Sanaag , waxaana la filayaa inuu madaxweyne Biixi gaadho xarunta gobalka Sanaag ee Ceerigaabo