Sheekh Cali Dheere Oo Ka Baxay Ururka Al Shabaab Iyo Halka Loo Tuhmayo Inuyyu
November 25, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Cali maxamuud Raagge (Cali dheere) ayaa la rumeeysan yahay in uu u xuubsiibtay kooxda Daacish sida aan xogta ku heleeyno,waxaanu arinkaani culeeys xoogan ku noqon karaa Kooxda Al-shabaab ee uu hore uga tirsanaa.
Al-shabaab iyo koox ajaaniib ah oo ka barbar dagaalameeyay dhawaan iskaga hor yimi deegaanada Gobolka jubadda hoose kuwaasi oo la sheegay in ay u kala baxeen shabaab iyo daacish.
Afhayeenka Cali maxamuud Raagge (Cali dheere) ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa laga waayay fagaarayaasha hogaamiyayaasha al-shabaab lagu arkaayay waxaana la tuhmaayay in aanu wanaagsaneeynin xidhiidhkooda hoose.