Dalka Nigeria Oo Lagu Afduubtay 15 Hablood
November 25, 2018 - Written by Berbera Today
Lagos(Berberatoday.com)-15 hablood ayaa lagu afduubay Koonfur Barri dalka Nayjeeriya , sida ay xaqiijiyeen ciidamada Booliska ee dalkaasi Nayjeeriya , waxaana hablahani laga afduubay gobolka Niyaamey.
Maayirka magaaladda Tomora oo lagu magacaabo Bokar Mani Ursi oo u waramaayey warbaahinta Yuuronews ayaa sheegay in ay hablahan ay afduubeen ilaa 50 nin oo hubaysnaa , kuwaas ka afduubay meel magaaldda u jirta masaafo dhan 9 km.
Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambaysa weerarkan lagu afduubay hablahaasi , iyada oo uu weeraradani yihiin kuwo kusoo noq noqonaayey dalkan , gaar ahaana gobolkan hablaha laga afduubay.