Wasaarada Arimaha Dibada Oo Ka Hadashay Ujeedada Wafti Ka Socda Somaliland Oo Turkiga Jooga
April 22, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berrberatoday.com)-Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland ayaa beenisay in Wasiiro xukuumada ka tirsani ay Turkiga u joogaan Gogol xaadhka wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Axmed Ismaaciil Aadan (Axmed Kayse) oo ka hadlay wararka sheegaya in wasiirka arimaha dibada iyo Wasiirka madaxtooyadu arimahaasi u tageen dalka Turkiga oo uu shegay inaanay u tagin.