”Telesom Waa Shirkad Umadu Wada Leedahay Ee Ha Lagu Deydo ..” Sheekh Aadan Siiro”Daawo Muuqal
November 27, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waa weyn ee reer Somaliland oo maanta ka hadlaayey madal lagu soo dhaweynaayey gudoomiyaha shirkada Telesom , oo maanta dalka dib ugu soo laabtey kadib abaal marin caalami ah oo uu dhawaan ku guuleystay .
Sh Aadan Siiro ayaa shirkada Telesom ku amaanay horumar uu sheegay inay ku talaabsatey , isla markaana waxaa uu cadeeyey in Telesom ay tahay shirkad la wada leeyahay haboon tahay na in lagu deydo .
Sidoo kale sh Aadan Siiro ayaa xukuumada ugu baaqay inay dhinac gasho oo ay ilaalisho shirkada Telesom oo uu ku sifeeyey shirkada magacii Somaliland meel dheer gaadhsiisay