Madaxweyne Gaas Oo Iminka War Ka Soo Saarey Doorashadii Puntland .
November 27, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu meesha ka saaray inay dib u dhici karto doorashada madaxweynaha Puntland, isagoo sheegay in waqtigeeda ku dhici doonto.
“Doorashada waligeed waxay dhici jirtay siddeeda January… 8 January 2019-ka doorasho fiican oo xor ah oo xalaal ah oo kuwii hore ka sii fiican ayaa dhici doonta Insha allah.” ayuu yidhi madaxweynaha Puntland oo hadalkan ka sheegay daahfurka isbitaalka degmada Qardho oo dib maanta loo furay.