Minneapolis(Berberatoday.com)-Waxaa la’ la’yahay wiil Somaliyed oo ku noolaa Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka sida ay sheegtay Hooyadiis.
Da’ahaan wiilkaasi waxaa lagu sheegay inuu jiro 14 jir, waxaana Hooyadiis ay sheegtay muddo saddex cisho ah in la la’yahay.
Amal Cabdi Xasan waa Hooyada dhashay Wali Dhuxulow waxa ay sheegtay in Wiilkeeda uu ka mid ahaa ardayda dhigata dugsiga Southwest oo ku yaalla magaalada Minneapolis.
Hayeeshee ay sheegtay in markii ugu war dambeysay Koox isugu jirta Madow iyo Cadaan oo watay gaari ay u yeereen, islamarkaana ay wateen, balse aan la ogeyn in si iskiis ah uu u raacay ama ay xoog ku kaxeysteen.
Hooyada dhashay Wali Dhuxulow ayaa sheegtay inay ka wal walsan tahay halka lala aaday wiilkeeda oo Sanadkii ugu horeeyay dhiganaayay dugsiga Southwest oo ku yaalla magaalada Minneapolis.
Taliyaha Booliska Magaalada Minneapolis ayay sheegtay in uu la soo xiriiray,isla markaan ay siiyeen Sawirka wiilkeeda si uu u baadi goobo maadaama muddo Saddex Cisho ah uu ka maqan yahay.
Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku sugan Soomaali fara badan, kuwaas oo qaarkood waxka barta qaarna ay ka shaqeeyaan.