Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Maanta Shir Xasaasi Ah Ku Qabanaya Hargeysa, Jawaab Culusna Ka Bixinaya Dhawaaqii Gudida Doorashooyinka Qaranka
November 29, 2018 - Written by Berbera Today
Kulamo gooni gooni ah oo la filayo in ay xafiisyadooda ku qabtaan ayay Madaxda Axsaabta qaranku kaga hadli doonaan waxa ay ka yeelayaan ama uga meel yaalla kadib dib u dhaca la filayay marka horeba ee ay shalay Komishanku ku dhawaaqeen taasi oo gabi ahaanba meesha ka saaraysa doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada ee la qorsheeyey in ay dalka si wada jir ah uga qabsoomaan Bisha March ee sannadka maalmaha koobani innaga xigaan ee 2019.