Dalka Georgia Oo Yeeshay Madaxweynihii Ugu Horreeyay Ee Haween Ah
November 29, 2018 - Written by Berbera Today
Georgia(Berberatoday.com)-Salome Zurabishvili ayaa ku guulaysatay doorashadii madaxweynenimada ee dalka Georgia, iyada oo sidaas ku noqotay haweenaydii u horraysay ee kursigaas ku fariisata.
Iyada oo codadka oo dhan la tiriyayna dublamaasiyaddan hore ee Faransiiska ku dhalatay ayaa heshay 59%, Grigol Vashadze oo ay is hayeenna wuxuu helay 40%.
Zurabishvili ayaa taageero ka heshay xisbiga talada haya ee Georgian Dream halka Vashadze uu u sharaxnaa mucaaradka.
