Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Weftigiisii Oo Berbera Soo Gaadhay
November 29, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo weftigii uu hogaaminaayay ee Socdaalka ku maraayay Gobolada Bariga Dalka ayaa goordhaweyd soo gaadhay magaalada Berbera,
Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigiisa ayaa waxa soodhaweyno kala duwan l;oogu sameeyay xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera Iyo Deegaamada udhxeeya Berbera iyo Burco Isaga oo Madaxweynaha qadar Saacado qaatayna Kusoo nastay Degmada aqoonta ee Sheekh halkaasoo uu kulamo kula qatay bulshadaRayidka ah iyo Madaxda xukumada iyo haayadaha Halkaas fadshigoodu yahay sidoo Waxa la sheegay inuu Madaxweynaha Degmada sheekh ka soo dhagax dhigay Jaamacad dhismaheeda halkaas laga hirgalin doono.