Xisbiga UCID Oo Arin Aan La Aqbali Karin Ku Tilmaamay Dib U Dhaca Doorashooyinka , Kana Digay Arin Cawaaqib Xumo Keen
November 29, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa uu si adag uga Hadley dib u dhaca doorashooyinka Somaliland ee ay shalay ku dhawaaqeen kominshanka doorashooyinku.
Xibsiga UCID waxaa uu dib u dhacaas ku tilmaamay arin aan la aqbali Karin isla markaana waxaa uu masuulyadeeda dusha u saaray xukuumada iyo madaxweyne Muuse Biixi
Sidoo kale Xisbiga UCID waxaa uu ka digay Mudaharaad-yo dalka gil gila hadii golayaasha wakiilada iyo deeganka loo sameeyo muddo kordhin aan lagala tashanin