Xarunta Daraasadka Siyaasada Ee CPA Oo war Kasoo Saartay Doorashooyinka Somaliland Ee Dib Udhacay
December 1, 2018 - Written by Berbera Today
Taariikh: 28ka Nobember 2018
WAR-SAXAAFADEED
Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee CPA, waxay si weyn uga xunyahay dib u dhaca markale ku yimi doorashooyinka Somaliland ee la filayey inay qabsoomaan bisha March 27, 2019. Somaliland waxay kaga duwan tahay dalal badan oo ku yaalla Afrika, dhinaca doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda ka jirta, hase ahaatee tallaabadan markale dib loogu dhigay doorashooyinka, waxay u muuqdaan kuwo saamayn ku yeelanaya sumcaddii Somaliland ee dhinaca geeddi socodka dimoqraadiyadda.
Waxay u muuqataa in arrimo la xallin karayey ay sabab u yihiin in lagu guulaysan waayo qabsoomidda doorashada, sidaas awgeed, waxaan markale ugu baaqaynaa Xisbiyada iyo dhinacyada ay khuseeyaan hawlaha doorashadu, inay ka shaqeeyaan, sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen wakhtiga ugu horreeya.