Wasiirkii Todobaad Oo Iska Casilay Xilka Wasiirnimo Ee Dalka UK Iyo Wasaarada Uu Iska Casilay .
December 1, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Wasiirkii wasaaradda cilmiga sayniska iyo Jaamacaddaha dalka UK Sam Gyimah ayaa is casilay wuxuuna sheegay in isaga oo ay wanaag ka tahay uusan taageeri karin heshiiskan ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub.
iscasilaada Wasiirka ayaa timid ka dib markii Theresa May ay ku dhawaaqday in ay heshay taageerada golaha wasiirrada ee heshiiska, islamarkaana baarlamaanka la horgeyn doono qorshaha ka bixitaanka Midowga Yurub ee UK.
Waa Wasiirkii Todobaad oo iscasilay Bishaan Gudaheeda ,taasoo ku dhigan in wasiiradda ay kasoo horjeedaan qorshaha ka bixitaanka UK.