Xaflad Aroos Oo Labadii Ruux Ee Iscalmaday-ba Ka Maqan Yiihin Oo Ka Dhacday Borama
December 2, 2018 - Written by Berbera Today
Borama(Berberatoday.com)-Magaalada Boorama ee gobolka Awdal waxa ka dhacday xaflad aroos oo aanay joogin arooskii iyo aroosaddii midna. Hase ahaatee waxa xafladda arooska keligeed loo qabtay gabadh kale oo sheegtay in aroosaddu u wakiilatay in ay matasho.
Keeggii loogu talo-galay arooska waxa jartay oo keligeed cuntay gabadhii sheegtay in loo wakiishay arooska.
Arooska iyo aroosadda ayaa la sheegay in ay ku maqnaayeen qurbaha.
Waana Arooskii uhoreeyay ee Noocaas ee Somaliland Lagu arko
