Hoggaamiyaha Jabhadda ONLF Oo Jigjiga Sibalaadhan Loogu Soo Dhaweeyey
December 3, 2018 - Written by Berbera Today
Jigjiga(Berberatoday.com)-Boqolaal qof oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa soo dhaweeyay wafdi uu hor-kacayo hoggaamiyaha guud ee Jabhada ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan.
Dhamaan jidadka muhiimka ah ee magaalada Jigjiga ayaa lagu xardhay calanka dowlad deegaanka Soomaalida, sidoo kalana dadka ayaa sitay calaamado muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada magaalada hoggaanka sare Jabhada ONLF.
