Madaxweyne Biixi Oo Midowga Yurub U Sheegay Mowqifka Wada-hadallo Dhex Mara Somaliland Iyo Soomaaliya
December 4, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaadhan oo ka socda midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha wefdiga ah ee ka socday midowga Yurub, ayaa kulankooda diirradda ku saaray arrimo dhawr ah oo salka ku haya xoojinta Dimuqraaddiyadda Somaliland ka hana qaadday, wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, isbedellada siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyo arrimo doora oo la xidhiidha horumarinta arrimaha bulshada.