Itoobiya: Rabshado Ka Socda 10 Magaalo Gobolka Oromada Ah
December 5, 2018 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dibad-baxyo ayaa ka socda ugu yaraan 10 magaalo oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana looga codsanayaa dowladda inay wax ka qabato rabshadaha ka dhacay halkaasi.
Labadii bilood ee la soo dhaafay, in ka badan 30 qof ayaa lagu dilay gobolka Benishangul-Gumuz oo ku yaalla xadka Itoobiya uu la wadaago Suudaanta Koonfureed.
Dagaallada halkaasi ka dhacay waxaa ku dhintay 17 kamid ah ciidammada dowladda halka kumannaan qof ay ka barakaceen.